Burundi oo sheegtay in Ciidankeeda ku sugan Somaliya aysan qaadan mushaar 10 Bilood

WAAJIDPRESS – 4 NOV 2016:

Xildhibaanada Baarlamaanka Dalka Burundi oo Khamiistii kulan ku yeeshay Magaalada Bujumbura ee Dalka Burunda ayaa waxa ay kulankooda kaga hadleen Ciidanka Howlgalka ujooga Soomaaliya ee AMISOM gaar ahaan Ciidanka Burundi.

Wasiirka Gaashaandhiga Burundi Emmanuel Ntahomvukiye iyo Taliyaha Booliska Alain Guillaume Bunyon ayay su’aalo ka weydiiyeen xaalada ay ku sugan yihiin Ciidanka Burundi ee Howlgalka ujooga Soomaaliya.

Xildhibaanada Burundi ayaa waxa ay sheegeen Ciidanka Burundi ku dhowaad 10 Bilood in aysan qaadan Mushaarkii ay xaqa u lahaayeen, taasina aysan aheyn mid loo dulqaadan karo.

Waxa ay sheegeen arrintan in ay tahay mid aan loo dulqaadan karin, oo uusan jirin Dal aqbalaya in Ciidankiisa uu xuquuq la’aan ku shaqeeya, taasi bedelkeedana ay wanaagsan tahay Ciidanka Burundi in dib loogu soo celiyo Dalkooda.

Xildhibaanada Baarlamaanka Dalka Burundi ayaa Midowga Afrika ugu baaqay in ay bixiyaan Mushaaraadka ay xaq u leeyihiin Ciidanka AMISOM ee ka Howlgalla Soomaaliya, si ay uu sii socdaan Howlgalka Shabaab looga saarayo Soomaaliya.

Dowladda Burundi ayaa ku hanjabtay inay kala baxayso ciidamadeeda AMISOM oo ka howlgasha Soomaaliya.

Wasiirka difaaca, Emmanuel Ntahomvuke, ayaa u sheegay baarlamaanka in ciidamada aysan ka helin mishaar Midowga Yurub toban bilood. Mishaarka ay qaataan bishii ayaa ah siddeed boqol ee dollar.

Waxay helaan oo kaliya mishaarkooda dowladda oo aad u yar.

Midowga Yurub ayaa joojisay inay si toos ah lacagta ciidamada ugu dirto dowladda Burundi, kadib markii ay dagaalo siyaasadeed ka dhaceen waddanka.

Burundi ayaa ah waddanka labaad ee Soomaaliya u diray ciidamada ugu badan howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: