War deg deg ah: Maanta Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku dhowaaqay inuu yahay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya

WAAJIDPRESS – 4 NOVEMBER 2016:

?????????????

 

img_1065

Madaxweynaha maamul goboleedka Koofurgalbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si rasmi ah maanta BAYDHABA uga dhowaaqay inuu yahay musharaxa madaxweynaha Soomaaliya.

Shariif Xasan Sheekh Aadan (oo u dhashey BEELWEYNTA DIGI IYO MIRIFLE), ayaa maanta hortagay baarlamaanka Dowlad Goboleedka KOONFUR GALBEED oo fadhigiisu yahay Magaalada BAYDHABA, Ayaa Waxa uu maanta kalfadhi aan caadi aheyn  kaga codsaday in ay ugolaadaan in uu isu soo taago xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Cod ay u qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Koofurgalbeed ayaa waxa ay si aqlabiyad leh ugu oggolaadeen in uu Shariif Xasan u tartami karo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegayay in uu doonayo Shariif Xasan oo hore guddoomiye baarlamaan uga soo noqday dalka Soomaaliya inuu doonayo in uu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Bishii aynu ka soo gudubnay ayuu Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu la kulmay oday dhaqameedyada iyo waxgaradka beelaha Koofurgalbeed Soomaliya isagoo u sheegay in ay u tartami karaan xilka ugu sareeya dalka balse uu ka doonayo inay u oggolaadaan inuu is sharaxo amaba ay cid kale soo saaraan isagana uu taageerayo.

Beesha uu ka soo jeedo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa inta badan waxa ay isu soo sharaxi jirtey xilka gudoomiyaha baarlamaanka dalka Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa lagu wadaa in maalinti barrito ah lagu qabto munaasabad weyn uu Madaxweyne Shariif Xasan Loogu dabaal degi doono musharaxnimadiisa.

Ku dhowaaqista musharaxnimada Shariif Xasan ayaa ku soo beegmaysa labo maalin kadib markii uu ka soo laabtay wadanka Isutagga Imaaradka Carabta halkaa oo ay madaxda maamul goboleedyada dalka ay kulamo kula soo yeesheen madaxda wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta – FILO video.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: