War deg deg ah: Dagaal KA socda Galkacayo OO u dhaxeeya maamulada GALMUDUG iyo PUNTLAND


WAAJIDPRESS – 6 NOV 2016:

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay dagaalka ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ku dhexmaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ku dhawaad 10 ruux oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku geeriyooday dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo, iyadoo isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo la geeyay dad dhaawacyo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya dadka dhintay inay u badan yihiin dhinacyada halkaasi ku dagaalamay, waxaana yar Khasaaraha rayidka ka soo gaaray dagaalka Gaalkacyo.

Dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo u dhaxeeya maamulada PUNTLAND iyo GALMUDUG ayaa waxaa ku dhintay illaa 27 Ruux, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 90 kale.

waxaa kaloo ku dhintey Wariye u shaqeynayey idaacada Codka MUDUG oo la yiraah Mahad Cali Maxamed.

Wariyaha ayaa u geeryoodey dhaawac ka soo gaaray Dagaalkii maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo,waxaana geeridiisa Dhacdo.Com uxaqiijiyay Agaasimaha Idaacadda Codka-Mudug Hanad Maxamed Faarax.

Waxaa jirta dad rasaas habow ah ugu tagtay Xaafadaha ay kaga sugan yihiin Magaalada Gaalkacyo, kuwaasi oo dhaawacyadooda la geeyay Isbitaalaadka.

Caawa wali waxaa laga maqlayaa Gaalkacyo rasaas goosgoos ah oo ay isweydaarsanayaan dhinacyadii Maanta Dagaalamay.

Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa midba midka kale ku eedeeyay masuuliyada cida bilowday dagaalka Maanta.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: