Akhriso then DAAWO: GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA IMAAN DOONO OO KU SOO BAXAY DOORASHADA XUBNAHA AQALKA SARE EE JUBALLAND

WAAJIDPRESS – 8 NOVEMBER 2016:

IMG_25F71E-AE3EC2-7EF674-7FD2ED-1AC877-689793     02-10 02-12

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa iyana ka socota doorashada xubnaha maamulka Juballand ku metelaya aqalka hoose, waxaana kursigii ugu horeeyey ku guuleystay C/rashiid Maxamed Xidig oo helay 37 cod.

Musharaxa Madaxweynenimo ee soomaaliya Shariif Xassan Ayaa wuxuu GUDOOMIYE baarlamaan u wataa CABDIRASHIID Xidig (oo ka soo jeeda Beesha OGAADEEN – DAAROOD).

Waxaa uu ka guuleystay labo musharax oo la tartamayey kuwaasoo kala ahaa Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo helay 5 cod iyo Maxamuud Maxamed Kuulow oo isna helay 7 cod.

Xiddig ahaa xukuumada xiligeedu dhamaaday ee Cumar C/rashiid ka ahaa wasiiru dowlaha arrimaha gudaha iyo federaalka, isagoo ka tirsanaa xildhibaanada baarlamankii hore, waana nin ay isku dhow yihiin madaxweynaha Juballand Axmed Madoobe.

Guusha Xidig ayaa ka dhigan in beesha Ogaadeen isku diyaarsheen ” sidii aay ugu dhigi lahaayeen gudoomiyaha Baarlamaanka imaan doono Cabdi Rashiid Xidig maadama beelaha kale ee daarood mar walbo duudsiiyeen xaqooqdi beeshaasi.

Dhinaca koofur Galbeed Xildhibaanadii ugu horreeyay ee soo baxay waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Baaralamanka Md. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaan Ibraahim Isxaaq Yarow iyo xildhibaan Fowsiyo Maxamed Sheekh.
halka dhanka Jubbaland ay soo baxeen Cabdirashiid Maxamed Xiddig, Xamsa Sheekh Xasan ,Maryan Aweys Jaamac iyo Luul Cabdi.

Prof.  Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Ka Hadley Guushii Maanta  Uu Gaarey iyo Waxyaabaha uu u qaban doono Bulshada Mustaqbalka dhow isagoona sidoo kale u Mahadceliyey Bulsahadii Dooratey isla markaana waxa uu  Sheegey in wax badan  uu qaban doono.

DAAWO: Gudoomiye Jawaari oo ka khudbadeeyey ka dib markii uu ku soo baxay doorashada Xildhibaanimada Aqalka Hoose ee maanta Baydhaba ka dhacdey:

 

Doorashada xubnaha aqalka hoose ee maamulada Juballand iyo Koonfur galbeed ayaa weli ka socda magalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo, wixii ka soo kordha kala soco wararkeena dambe Insha ALLAAH.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: