War deg deg ah: Dagaal maanta dib uga qarxay Magaalada Gaalkacyo oo u dhaxeeya maamulada PUNTLAND IYO GALMUDUG

WAAJIDPRESS – 8 NOVEMBER 2016:

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, Galbeedka Magaaladaasi waxaa ka biloowday dagaal u dhaxeeyay ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland, saacado kadib markii heshiis lagu wada gaaray Khadka Taleefoonka.

Dagaalkaan oo aanan la ogey dhinaca bilaabay ayaa wararka waxa ay sheegayaan in mar kaliya la maqlay dhawaqa madaafiic culus oo labada dhinac ay isweydaarsanayaan.

Galbeedka Magaalada Gaalkacyo oo markii horeba ay isku hor fadhiyeen ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa dagaalka uu ka biloowday, sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen.

Rasaas culus ayaa sidoo kale laga maqlayaa Magaalada Gaalkacyo, taasi oo niyad jab hor leh ku sii abuurtay dadka shacabka ah ee ku nool Magaaladaasi Gaalkacyo oo markii horeba kalsooni badan aanan ka qabin Heshiiskii shalay.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo inuu yahay mid hal qarni soo jiray, islamarkaana waxa dagaalka u dhaxeeya uu yahay shacabka degan Magaaladaasi.

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay arimaha Somaliya oo shalay tagay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa heshiis xabad joojin ah kala dhex dhigay Maamulada Galmudug iyo Puntland, balse heshiiskii ayaa bur buray.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: