War deg deg ah: Madaxweyne Xassan oo maanta si rasmi ah Awoodii uga xayuubiyey Ra’isul Wasaare Cumar isla markaana si KMG u………

WAAJIDPRESS – 8 NOV 2016:

Wararka naga soo gaaraya Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu awoodii ka qaaday R/wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid.

Madaxweyne Xasan oo aad uga walaacsan ololaha Cumar C/rashiid, ayaa awood buuxda siiyay R/wasaare ku-xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte.

Madaxweyne Xasan waxa uu Xafiiskiisa ku kulmiyay labada mas’uul waxa uuna R/wasaare Sharmaarke ku amray in howlaha Xafiiskiisa uu ku wareejiyo ku-xigeenkiisa waxa uuna sabab uga dhigay inuu ka mashquulay howlihii laga sugaayay isla markaana ku mashquulay danihiisa gaarka ah.

Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale, Maxamed Cumar Carte ka dalbaday in si hufan uu u guto howlihiisa shaqo, isagoo ku wargaliyay in mudada ka harsan doorashada dalka wax laga weydin doono shaqooyinkaasi.

Maxamed Cumar Carte, ayaa iminka si KMG ah u Ra’isul Wasaaraha Dalka isla markaana wada shaqooyinkii ee uu qaban jiray Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid, waxaana sidoo kale socda loolan laga dhex dareemaayo Xafiisyada Dowlada kaasi oo u dhexeeya Sharmaarke iyo Carte.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: