War deg deg ah: Labo Nabadoon caan ah oo Muqdisho hadda lagu diley

WAAJIDPRESS – 9 NOV 2016:

war-deg-dega12

Wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in lagu dilay maanta labo  Nabadoon caan ah Magaalada Muqdisho.

Laba ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa maanta lagu dilay toogasho ka dhacday Isgoyska Zoope ee Degmada Hodan.

Nabadoonada oo mid ka mid ah uu caan ahaa, laguna magacaabi jiray C/laahi Axmed Rooble (Safaari), ayaa waxaa rasaas huwiyay dabley la socotay gaari Qooqan ah.

Dembiile-yaasha, ayaa waxaa falkaasi ka dib u suurta-gashay inay ka cararaan Isgoyska Zoope, oo kol dambe ay gaareen Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ka hawlgala Gobolka Banaadir.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo sheegayan in Nabadoon Safaari uu ku geeriyooday goobtii lagu weeraray, halka Nabadoonka kalana dhaawac ahaan looga qaaday, kol dambena uu dhaawacaasi ugu geeriyooday Isbitaalka Madiina.

Goobjoogayaal, ayaa waxaa laga soo xigtay in ragga weerarka gaystay ay xirnaayen dareyska Ciidamada Militariga Somaliya.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Odayaasha lagu dilay Caasimadda, ay maalmihii ugu dambeysay ku hawlanaayen arrimaha doorashooyinka dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidamada ammaanka, ayaan weli wax war ihi ka soo saarin weerarka 1-dii duhurnimo ee maanta ka dhacay Bartamaha Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: