Cumar C/rashiid oo ka dhaadhicinaya Axmed Madoobe in C/rashiid Xidig aanu isku soo sharaxin Guddoomiye Baarlamaan

WAAJIDPRESS – 10 NOVEMBER 2016:

Ra’iisul Wasaaraha xilka sii haya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka codsaday Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe in aan C/rashiid Xidig aanu isku soo sharaxin xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, kaddib markii dhowaan loo doortay Xildhibaan Aqalka Hoose ah; Xildhiban CABDIRASHIID Xidig ayaa waxa uu u ololeynayaa in Musharax Shariif Xassan uu qabto xilka Madaxweynenimada SOOMAALIYA.

XILDHIBAAN CABDI-Rashiid Xidig oo taageero buuxa ka helaya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa dhowaan si aan qarsoodi aheyn u shaaciyay damaciiisa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo caddeeyay inuu diyaar u tahay inuu u tartamo doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka.

XILDHIBAAN Cabdi-Rashid Xidig iyo siyaasi kale oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa la sheegayaa inay yihiin dadka uu Shariif Xasan uu doonayo inay isku soo sharaxaan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, si damaciisa Musharaxnimada xilka Madaxweynaha u mira dhalo, hadii midkood uu ku guuleysto xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Raisul Wasaare Cumar C/rashiid oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa u sheegay Axmed Madoobe in hadii Xidig isku soo sharaxo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dhantaali doonto hamiga Beesha Daarood ka leedahay in sanadkan ku guuleystaan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: