Wasiirka Maaliyada oo waayay Kursigii Baarlamaanka, kadib markii laga adkaaday

WAAJIDPRESS- 10 NOV 2016:

Wasiirka Maaliyada Maxamed Aadan Fargeeti, ayaa maanta waayay Kursigii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, kadib markii laga adkaaday baratan ka dhacay Magaalada Baydhabo.

Wararka Baydhabo ka imaanaya ayaa sheegaya doorashadii maanta ka dhacday Magaaladaasi in Wasiir Fargeeti uu helay codad gaaraya 25 cod, halka ruuxii kale ee la tartamaayay uu helay tiro intaasi ka badan.

Maxamuud Macalin Yaxye oo ah Xildhibaanka guuleystay ayaa helay codad gaaraya 26 cod, Sidaasina uu ku xaqiijiyay Kursiga Xubinimada Baarlamaanka Somaliya.

Ergada Doorashada ayaa ah 51 Ergo, waxaana Doorashada maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ay aheyd mid xiiso badan, maadaama Kursiga Wasiir Fargeeti aad isha loogu haayay.

Sidoo kale Magaalada Baydhabo waxaa lagu doortay Afar xubnood oo kale oo ka mid noqday Baarlamaanka Somaliya.

Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee dalka ayaa ka socota Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo ee Gobolada Baay iyo Jubbada hoose.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: