War deg deg ah: Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo isku day dil ah ka badbaaday

WAAJIDPRESS – 10 NOVEMBER 2016:

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa uu isku day dil ah ka badbaaday Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani).

Muran xoogan ayaa caawa ku dhexmaray gudaha degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen iyo mid kamid ah Akarta ilaalada u ah kadib markii ay isku qabteen Mushaaraadka Ciidanka.

Askariga ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir weydiistay inuu siiyo mushaarkiisa maadaama ay Bisha mareyso 10,Biilna ay ka sugayaan reerkiisa.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaan waxba ka soo qaadin baahida askariga,waxeyna taas keentay in meesha uu gacan ka hadal ka dhoco.

Askariga oo heystay qoriga BKM ee Silsiladaha culus wata ayaa mar kaliya rasaas xoogan ku furay Duqa Muqdisho oo taagnaa masaafo aan sidaasi ubadneyn.

Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa rasaastii la huwiyay waxaa ka soo gaaray dhaawac dhinaca garabka ah, Waxaana durbaba goobta kala cararay Shaqaalihiisa, Askariga wax rasaaseeyay waxa ay is xigaan Gudoomiyaha Gobolka banaadir.

Askarigii Gudoomiyaha Gobolka dhaawacay iyo Ciidamda kale ayaa israsaaseyn kooban dhexmartay, Waxaana usuuragashay askariga baahida tirsanayay ee Duqa Muqdisho dhaawacay in si nabad gelyo leh uu goobta isaga baxsado.

Ciidamada Nabad Sugida iyo Booliska Soomaaliya ayaa hada baaritaano xoogan ugu jira sidii ay usoo qaban lahaayeen Askariga Duqa Muqdisho dhaawacay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa hada lageeyay Xarunta Aqalka Hoose ee Xamar, Dad ku sugnaa halka Falkaasi uu ka dhacay ayaa Dhacdo.Com usheegay in Boorsaani wajigiisa laga dheehanayay Cabsi iyo Argagax xoogan.

Falkan ayaa yimid iyadoo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu mudooyinkan waday qorshe uu lacago si ka fiirsasho la’aan ah usiinayay Dadyoow kala duwan iyagoo ay baahi xoogan ay uheyso lacagahaas ilaaladiisa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: