Laba askari oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 13 November 2016:

Laba ka mid ah Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa galabta siyaabooyin kala duwan loogu dilay Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay soo weerareen rag hubeysan.

Mid ka mid ah askarta la dilay, ayaa waxaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan boosteejada laga raaco baabuurta aadda Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Askarigan oo ka tirsanaa Ciidamada Canshuuraha, ayaa waxaa toogasho ku dilay laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, kuwaa oo horey u sii qaatay qori AK47 ahaa, oo askarigaasi uu watay.

Ciidamada Nabad Suggida oo daqiiqado ka dib gaaray goobta uu falku ka dhacay, ayaa waxay ka sameeyeen hawlgal, iyagoona ku soo qab qabtay ugu yaraan labaatan nin.

Askariga labaad, ayaa waxaa casir liqii galabta lagu dilay xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley. Askarigan ayaa ka mid ahaa illaa saddex askari oo fadhisay halka loo yaqaano (Sar Gaduudda).

Askartan, ayaa waxaa soo weeraray niman la socday gaari nooca raaxada ah, kuwaa oo si kedis ah rasaas xoogan oodda kaga qaaday askartaasi, waxaana goobtaasi ku dhintay hal askari, iyadoo mid kalana uu ku dhaawacmay. Nin dhalinyaro oo ka mid ah dadka deegaanka oo xilligaasi wadada maraayay, ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay rasaastaasi.

Dembiile-yaasha, ayaa ku baxsaday gaari Kaarib ahaa oo ay la socdeen, sida ay Dhacdo.com u sheegeen dadka deegaanka. Ciidamada ammaanka ayaa goobtaasi gaaray, mar ay baxsadeen dembiile-yaasha.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: