Keating “Wixii Gaalkacyo ka dhacaa xisaabtan ayaa ka dambeeya, waana in hishiiska la dhowraa”

WAAJIDPRESS – 14 NOVEMBER 2016:

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire Mcheal Keating ayaa ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug in ay adkeeyaan heshiiskii lagu gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Mudug.
“Si shaqsiyan ah Cabdi wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland iyo Cabdi kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Galmudug waxa ay balan qaadeen in ay adkeyn doonaan heshiiska , laakiin waxaa muhiin ah in midaas laga wada dhabeeyo ” ayuu yiri Danjire Keating.
Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya danjire Mcheal Keating ayaa sidoo kale sheegay in maamulada Puntland iyo Galmudug lagula xisaabtami doono dagaaladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo 6 dii isbuucii ee lasoo dhaafay, dagaaladaasi oo ku dhinteen tiro ka badan 45 qof.
Danjire Mcheal Keating ayaa uga digay maamulada Puntland iyo Galmudug in ay hareermaraan heshiiskii lagu gaaray Gaalkacyo ee uu goobjooga ka ahaa Ra’iisulwasaaraha Qaranka mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
“Ma ahan in lagu xadgudbo heshiiska Gaalkacyo, mana la aqbali karo in heshiis walba la jabiyo , waxaana ay wajihi doontaa xisaabtan adag cidii hareermarta” Sidaas waxaa markale yiri Danjire Mcheal keating.
Dagaaladii 6dii todobaad ee lasoo dhaafay ka dhacay Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay dad lagu qiyaasay 45 qof , waxaana sidoo kale ku barakacay 90,000 kun oo qof , kuwaa soo hada ku dhibaateysan duleedyada Magaalada Gaalkacyo.
Puntland iyo Galmudug ayaa jabiyay heshiisyo badan oo kusaabsana colaada Magaalada Gaalkacyo , waxaana hada beesha Caalamku ay walaac ka muujinaysa kalsoonida lagu qabikaro in uu hirgalo heshiisgii Qaramada Midoobey ay garwadeenka ka aheyd ee Sabtigii ka dhacay Gaalkacyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: