War deg deg ah: Qarax khasaaro gaystay oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 16 NOVERMBER 2016:

Qaraxan oo ka dhashay bambada nooca gacanta laga tuuro, ayaa waxaa goor dhow oo caawa ah lagu weeraray hoy ku yaala Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Goobjooge, ayaa sheegay in hoygaasi oo uu degan yahay Sarkaal ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir lagu tuuray laba xabo oo bambo ah, inkastoo mid ka mid ah ay qaraxday.

“Laba bambo ayaa 20 daqiiqo ka hor lagu tuuray guri ku yaala Degmada Xamar Jajab, gaar ahaan xaafadda Buurka. Gurigan waxaa degan nin Sarkaal ah oo Saraakiisha Booliska ka tirsan. Waa guri ay xilliyada habeenkii ku qayilayan Ciidamada Dowladda iyo dhalinyarada xaafadda.” Ayuu yiri goobjoogaha oo ka gaabsaday magaciisa.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xamar Jajab, haweeneyda lagu magacaabo Iftin Cumar Adeer, ayaa sheegtay in hal bambo oo keliya ay qaraxday, iyadoo intaa ku dartay in bambada kale aysan wax qarax ihi samaynin, isla-markaana ay gacanta ku hayaan.

C/fitaax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa xaqiijiyay in lix qof ku dhaawacantay qaraxaasi, kuwaa oo dhammaantood uu ku sheegay dhalinyarada deegaanka. Saddex ka mid ah xaaladooda caafimaad, ayuu ku sheegay inay liidato.

Afhayeenka, ayaa meesha ka saaray in qaraxaasi uu waxyeelo ka soo gaaray askar ka tirsan Ciidamada Nabad Suggida iyo Booliska ka hawlgala Degmada Xamar Jajab, oo qaarkood ay xilliyada habeenkii ku caweeyan hoygaasi.

Xalane oo la hadlay Idaacadaha ayaa masuuliyadda qaraxan dusha kaga tuuray mintidiinta Ururka Al Shabaab, oo isu deyaaya inay carqaladeeyan buu yiri nabadda Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: