War deg deg ah: Ciyaaryahan maanta lagu diley Muqdisho

WAAJIDPRESS – 18 NOVEMBER 2016:

Allaha u Naxariistee Waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah Cayaartoydii dhawaan Horyaalka Heerka 3 aad kula Guuleystey Naadiga O.F.C isla Markaana ka diiwaan gashanaa Kooxda Heerka koowaad ee FC Heegan kaas oo lagu Magacaabi jirey Bashiir Muufo.

Cayaaryahan Bashiir ayaa u Geeriyoodey dhaawac ka soo Gaaray Bam Gacmeed lagu Tuuray Goob ay Joogeen isaga iyo dhalin yaro ah oo ku taala Degmada Xamar Ja jab waxaana Geeridiisa ka Tacsiyeeyey Gudoomiyaha Kooxdii uu Amaahda ugu dheelayey ee O.F.C Bashiir Salaad Bare (Bashiir dheer).

Bashiir Dheere ayaa sheegay in Cayaaryahanka Geeriyoodey uu ahaa Weeraryahan Goolal badan u dhaliyey kooxdiisa Horyaalkii ay dhawaan qaadeen isla Markaana uu aad uga Naxay Geeridiisa isaga oo uga Tacsiyeeyey qoyskiisa iyo Naadigii ay amaahda kaga soo qaateen ee Heegan waxa uuna alle uga baryey Janatul fardowsa in uu geeyo.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: