Dilal Siyaabo kala duwan Saacadihii la soo dhaafay uga dhacay Muqdisho

WAAJIDPRESS – 19 NOVEMBER 2016:

Kooxo Hubeysan ayaa Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xalay ku dileen Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Dableyda Dilka geysatay ayaa la xaqiijiyay in goobta ay falka ka geysteen isaga baxsadeen.

Dhinaca kale Rag hubeysan ayaa Askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku dileen Xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir.

Goob Joogayaal ayaa Shabelle u xaqiijiyay in raga falkaas dilka ah kula kacay Askariga Ciidamada dowladda ka tirsanaa ay iyaguna baxsadeen.

Sidoo kale warar aan ka heleyno degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Macallin Nuur ayaa ku soo warramaya in Kooxo Hubeysan ay qof Naafo ahaa ku dileen halkaas.

Dhacdooyinkaas kadib ayaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay saaka howlgallo uga billaabeen Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Ma Jirto cid la soo wariyay in loo soo qabtay dilalka siyaabaha kala duwan saacadihii la soo dhaafay uga dhacay Magaalada Muqdisho.

Xaaladda Ammaan ee Magaalada Muqdisho ayaa beryihii u dambeeyay ka sii dareysay marka loo eego dilalka iyo weerarada kala duwan ee ku sii kordhayay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: