SAWIRO: MADAXWEYNAHA KGS OO XAFIISKIIS KU QAABILEY DANJIRAHA QM EE SOMALIA

WAAJIDPRESS – 19 NOVEMBER 2016:

img_1099 img_1100 img_1101

Baydhab – Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta tagay magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay

Wafdiga ayaa waxaa hogaaminayay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

Wafdiga waxaa Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Danjire Keating ayaa ku sugan goobta doorashada aqalka hoose oo maanta lagu dooranayo illaa 6 kursi oo aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ah.

Maadaama Xildhibaanada ugu badan soomaaliya OO gaaraya 79 Kursi  lagu dooranayo magaalada Baydhaba ayaa Kuraasta maanta la soo dooranayo waxaa ku jira kuwa haweenka waxaana kursigii ugu horreeyay ku tartamay illaa seddex musharrax oo haween ah dhammaantood kuwaasoo kala ah Xabiibo Maxamed Kheyr, Hani Maxamed Aadan iyo Muraayo Ibraahim Madeer waxaana ugu dambeyn ku soo baxday oo guuleysatay Hani Maxamed Aadan oo heshay 26 cod.

Ugu dambeyntii, Danjire Keating joogitaankiisa maanta xarunta doorashada ee aqalka hoose ee Baydhabo waxay noqonaysaa doorashadii ugu horreysay ee uu korjoogto ka noqdo tan iyo intii ay magaalooyinka dowlad goboleedyadu ka billowdeen doorashooyinka baarlamaanka cusub.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: