War deg deg ah: Qarax KA dhacay Muqdisho iyo Ganacsade lagu diley Baledweyne gobolka HIIRAAN

WAAJIDPRESS – 20 NOV 2016:

img_1102 img_1103

Wararka ka imaanaya Isgoyska Ceelgaabta ee dhanka Degmada Xamar weyne ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaweyd uu ka dhacay qarax khasaare geystay.

Qaraxan, ayaa la sheegayaa inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, waxaana la geliyay goob ciidanka Booliska ay fariistaan oo dhismo Jiingad ah ay uga sameysan tahay.

Dhismaha Jiingadan Booliska ay fariistaan ayaa waxa uu ku yaala wadada dhinaceeda, gaar ahaan dhinaca xigta barxadda qaadka lagu iibiyo ee Degmada Xamar Weyne.

Wariye ku sugan goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sheegay labo ruux inay ku dhinteen oo mid ka mid ah ay tahay Haweeney, halka ruuxa kalena uu yahay askari ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya.

Waxaa jira dhaawacyada laba ruux oo ka dhashay qaraxaasi miinada ah, kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka.

Goobtaan qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa ka agdhaw Suuqa Bacaadlaha ee Degmada Xamar Weyne, oo ah goob aad u mashquul badan oo dadka ay ku ganacsadaan.

Dhinaca kale, War hadda soo dhacay, Dabley hubaysan ayaa saaka Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, waxa ay ku dileen nin ganacsade ahaa oo ka mid ahaa dadka ku nool Magaalada Baledweyne.

Ninkan ganacsadaha ah ayaa lagu dilay meel ku dhaw Suuqa Xoolaha Magaalada Baledweyne, kadib markii ragga hubaysan ay toogteen.

Ganacsadaha la dilay, ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Bocor Axmed, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, waxaana dilkiisa loo maleynayaa inuu salka ku haayo arimo ku aadan aargoosi qabiil.

Kooxdii dilka geysatay ayaa meesha si nabadgelyo ah uga baxsatay, iyadoo dadkii joogay meesha dilka uu ka dhacay ay kala carareen.

Dilkaan ayaa loo badinayaa inuu salka ku haayo arimo ku aadan Aargoosi aano qabiil, iyadoo maalin ka hor Magaalada Baledweyne lagu dilay nin kale.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: