XOG: Shir Deg Deg ah oo hada ka socda Villa Somalia & Xasan Sheikh oo..

WAAJIDPRESS – 20 NOV 2016:

Warar lagu kalsoonan karo oo laga helayo Xarunta Madaxtooyada ayaa ku waramaya in halkaas uu ka socdo kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Xasan Shiikh maxamuud, xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka iyo siyaasiyiin saameyn ku leh siyaasadda Soomaliya.

Kulankaan oo uu shir gudoominaayo Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loogu hadlayaa sidii dib loogu dhigi lahaa doorashada Madaxweynaha Soomaliya oo dhacaysa 30-ka bishaan November oo maalmo kooban ka harsan.

Dalabka kulankaan ayaa la sheegay in uu ka yimid Madaxweynaha oo ku andacoonaya in waqtiga haray xiligaan uu yahay mid aad u gawaabsi ah, islamarkaana aysan wali soo dhameystirmin xubnaha aqalka Hoose ee ka imaanaya dowlad goboleedka dalka ka jira.

Kulanka oo haatan socda ayaa la tilmaamayaa in Xasan Sheikh madaxda ka qeyb galaysa uu hordhigay in waqti lagu doro doorashada madaxweynaha mudo hal bil madaama aysan soo dhameystirmin doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Somaliya.

Tani hadey dhacdo waxaa sii kordhaya walaaca Beesha caalamka, iyo siyaasiyiinta Soomaliyeed ay ka qabeen sida ay ku dhici karto doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: