War deg deg ah: Ciidamo Nigerian ah oo amniga Doorashada Somaliya ka qayb qaadanaya iyo Amisom oo ciidamo hor leh dalbatay

WAAJIDPRESS – 21 NOV 2016:

Howlgalka Midowga Afrika ee Somaliya Amisom,ayaa sheegay in ciidamo gaaraya 140 Askari oo ka tirsan Booliska Nigeria ee jooga Somaliya ay ka qeyb qaadan doonaan xaqiijinta amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashada Somaliya.

Afhayeenka Ciidanka Amisom, Joseph Kibet,ayaa Wargeyska The Nation u xaqiijiyay in Ciidamada Nigeria ka socda ay tababaraan Booliska Somaliya ,laakiin markan ay toos ugu lug yeelanayaan xaqiijinta amniga goobaha ay ka dhaceyso doorashada Somaliya ee meelaha qaar ka socota iyo tan Madaxweynaha iyo Guddoonka Baarlamaanka.

Kibet waxaa uu sheegay in Amisom iyo Ciidanka Dowladda ay Al-shabaab ka saareen Muqdisho meelo kalena ay kula dagaallamayaan hadda,islamarkaana 20 Sano oo dagaal sokeeye ahayd kadib ay Somaliya ka dhaceyso doorasho.

Waxaa uu intaa ku daray in  Amisom ay jeclaan lahayn in la laba jibaaro Ciidamada Amisom ee hadda jooga Somaliya oo gaaraya 21,000,lana gaarsiiyo 42,000 oo Askari si ay Al-shabaab uga wada saaraan dalka,waxaase uu sheegay in hadda baahida ugu weyn ee heysata ay tahay 4,000 oo Askari.

Doorashooyinka aqalka hoose ee ka socda Gobollada ,tii aqalka sare ee dhamaatay inteeda badan iyo doorashada Madaxda Dowladda soo socota ayuu sheegay in ay Amisom xil iska saartay xaqiijinta amniga goobaha doorashada Soomaaliya.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: