War deg deg ah: Xildhibaan kat tirsan barlamaanka Soomaalia oo Garowe si kadis ah ugu geeriyoodey

WAAJIDPRESS – 20 NOVEMBER 2016:

ALLAHA ha u nanxariisto waxaa goor dambe oo caawa oo Isniin soo geleyso ku geeriyoodey magaalada Garoowe Xildhibaan Daahir Xaaji Geele. Xildhibaanka ayaa geeridiisu ahayd mid kedis ah, fiidnimadii hore ee caawa ayuu dadka kula caweeyey Hotelka uu Garoowe ka deganaa, waxaa la maqley isaga oo ka sheeganaya Wadnaha oo banaanka uga soo baxay qolkii uu deganaa wax yar kadib nafta ayaaba ka dhacdey.

Xildhibaanka geeriyoodey ayaa ahaa muddo dheer Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2009. Sidoo kale waxaa maalmo ka hor uu kamid noqdey Baarlamaanka cusub ee Ergooyinku soo dooranayaan, waxaana lagu doortey Garoowe.

Xildhibaan Daahir ayaa ka soo jeeda gobolka Sanaag, waxaana uu baarlamaanka hadda xilku ka dhamaadey u qaabilsanaa arrimaha Baarlamaanada Carabta. Waxaana uu geeriyoodey isaga oo aan weli loo dhaarin xilka Xildhibaanimo kadib maalmo yar ay ka soo wareegtey doorashadiisi.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: