Waxaa socda Qorshe Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug lagu geynaayo ciidamo ka socda Itoobiya oo IGAD hormuud u ah

WAAJIDPRESS – 21 NOV 2016:

Urur Goboleedka IGAD ayaa hogaaminaya qorshe lagu doonayo in mustaqbalka ciidamo ka socda dalka Itoobiya lagu geeyo magaalada Gaalkacyo si ay u ilaaliyaan xabbad joojinta.

Qorshahan ayaa waxaa hordhac looga dhigay kormeerayaal caalami ah oo ay hogaamineyso IGAD oo la geeyay magaalada Gaalkacyo sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka.

Kormeerayasha oo ay ka mid yihiin saraakiil ka socota UN-ka ayaa shaqadoodu noqoneysaa inay ilaaliyaan xabad joojinta ay gaareen maamulada Puntland iyo Galmudug oo ka dhaqan gashay magaalada Gaalkacyo, kadib markii la kala qaaday ciidamada labada dhinac.

Qorshaha ciidamada Itoobiya lagu doonayo in lagu dhex dhigo labada maamul ee isku haya magaalada Gaalkacyo ayaa ka danbeeya hadii ay burburto xabbad joojinta hadda jirta oo ah tii saddexaad ee labada maamul ay gaaraan dhowaanahan.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: