war deg deg ah: Saddex qof oo ku dhimatay iska horimaad ka dhacay Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 22 NOV 2016:

Ugu yaraan saddex qof, ayaa ku dhimatay, halka laba kalana ay ku dhaawacantay, ka dib iska horimaad maanta ka dhacay xaafadda Xararyaale ee Degmada Wardhiigley ee Gobolka Banaadir.

Iska horimaadkan, ayaa u dhaxeeyay ciidan ka tirsan Ciidamada Ilaalada Wadooyinka iyo ciidan uu soo watay nin ay gaariga ka qaadeen Ciidamada Taraafikada, xilli uu bilaa sharci ahaa.

Goobjooge ka sheekeeyay dhacdadan, ayaa yiri “Ciidamada Taraafikada ayaa gaari NOAH ahaa ku istaajiyay xaafadda Xararyaale, waxayna ninkii watay ku amrayn inuu tusiyo sharcigiisa kaxeynta gaariga, laakiin wuxuu sheegay inaysan hadda wadan. Taraafikada ayaa ninkaasi kala wareegtay furihii gaariga.”

Goobjoogaha, ayaa yiri “Ninkaasi wuxuu soo watay ciidan kale oo hubeysan, meeshii ayayna iska horimaad kula galeen Ciidamadii Taraafikada.

Goobjoogahan, ayaa xaqiijiyay in saddex qof oo laba ka midda ay yihiin Ciidamada Taraafikada ku dhinteen iska horimaadkaasi, halka laba kale oo rayid ahna ku dhaawacantay.

“Laba askari oo ka tirsan Taraafikada, ayay dileen. Nin mooto watay oo wadada maraayay isna rasaasta ayaa haleeshay, wuuna dhintay. Laba qof oo shacab ah iyagana way ku dhaawacmeen.”

“Ninkii gaariga lahaa iyo ciidankii uu watayba waxay xaafadda ka taggeen iyagoo wata gaariga, meydadka labada askarina ay laamiga yaallaan.” Ayuu yiri goobjoogaha oo codsadaha inaanan magaciisa la soo xigan.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha ammaanka, ayaan weli ka hadlin iska horimaadka maanta ka dhacay Degmada Wardhiigley.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: