Puntland – Xildhibaan Cabdi Barre iyo Kulalihi oo maanta looga adkaaday tartankii Doorashada ee maanta PUNTLAND ka dhacdey

WAAJIDPRESS – 23 NOV 2016:

Doorashada saddex xildhibaan oo ku matalaysa Puntland aqalka hoose ee baarlamaanka Faderaalka ayaa maanta lugu soo gaba-gabeeyay magaalada Garoowe,taaso ka dhigan wajigii saddexaad ee doorashada Aqalka hoose.

Kursiga ugu horreeyay waxaa ku guuleystay wasiirkii hore ee Batroolka iyo macdan dowladda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Maxmed Cumar Bisinle, isagoo ka guulaystay murashaxii kula tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Faarax (Indhobuur).

Guddiga doorashada ayaa si rasmi ah ugu ku dhawaaqay in Daa’uud Bisinle uu wareegii 1aad helay 32 Cod, halka murashax la tartamayay uu helay 18 Cod, waxaana xumaaday hal cod oo kaliya.

Waxaa ay ka dhigan-tahay guusha uu gaaray Daa’uud Maxamed,kursiga 20aad ee Puntland ku yeelanayso aqalka hoose ee Faderaalka,labo doorasho oo horay u dhacday ayaa sagaal iyo toban xildhibaan lugu doortay.

Sidoo kale,Kursiga 21aad ee Aqalka hoose waxaa ku tartamayay 4 murashax oo kala ah Maxamed Axmed Maxamed (kulalihi) oo muddo 10 sanno ka badan ahaa xildhibaan federaal, Axmed Bashiir Muuse, Cabadi Maxamuud Maxamed iyo Liibaan Siciid Nuur.

Waxaa kursigan ku guuleeystay,Cabdi Maxamuud Maxamed oo helay 33 cod, halka murashixii ku xigay ee tartamayay ee Axmed Bashiir Muuse uu helay 17 Cod, Liibaan Siciid nuur wuxuu helay 1 cod oo kaliya, halka Maxamuud Kulalihi uusan wax cod ah helin.

Kursiga ugu dambeeyay oo ay ku tartameen 6 musharax oo ay ku jirto Amaan cali Baale oo uu dhalay suldaanka beesha tartamaysay iyo xildhibaan hore, Cabdi barre yuusuf jibriil oo isagu wareegii kowaad ku haray.

Waxaa ay gaartay doorashadan labo wareeg,cododka wareega koobaad waxaa loo kala helay,Ganacsade Faysal Cabdille Guuleed ayaa helay 22-cod,Siciid Cali Maxamed wuxuu helay 14-cod,Cabdixakiim Faarax Cali (Caruush) wuxuu helay 8-cod,Saleebaan Cabdulle ayaa isna helay 2-cod,5-Amaan Cali Baale waxay heshay 4 cod, halka Cabdi Barre Jibriil uu helay hal cod oo kaliya.Cabdi Barre ayaa horay xildhibaan u ahaa,balse maanta waxaa ku adkaatay inuu mar kale xilka ku soo noqdo.

Wareegii labaad oo ku tartameen labadii murashax ee ugu codadka badnaa, waxaa ku guulaystay Ganacsade Faysal Cabdille Guuleed oo helay 26 cod, halka Siciid Cali Maxamed uu helay 25 Cod oo kaliya.

Ugu dambeeyay,Faysal Cabdille guuleed waa Tujaar muddo 20 sanno ku howlnaa howlaha ganacsiga , wuxuuna fadhigiisu ahaa dalka Imaraadka carabta iyo magaaladda Boosaaso, Waana ganacsadii labaad ee ku soo baxa aqalka hoose ee Barlamaanka Federaalka, iyadoo isla maanta la doortay Cabdi Maxamuud Maxamed oo ah ganacsade laga yaqaan Puntland.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: