Shariif Xasan oo dadaal ugu jira in la soo hormariyo doorashada Madaxweynaha (Warbixin)

WAAJIDPRESS – 24 NOVEMBER 2016:

November 24 (Jowhar)— Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa dadaal ugu jira sidii loo soo hormarin lahaa doorashada Madaxweynaha, kaddb markii uu dib u dhac ku yimid doorashadii Guddoonka Baarlamaanka.

MUSHARAXA Madaxweynenimo  Shariif Xasan ayaa  ka dhaadhicinayo xubno ka tirsan Beesha Caalamka sidii doorashada Madaxweynaha u dhici laheyd waqtigiii loo qorsheeyay, si aanay mar kale dib u dhac ugu imaan.

Kulan uu Sabtidii la soo dhaafay uu Baydhabo kula qaatay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayuu horudhac ahaan ugu wargeliyay in la soo hormariyo doorashada Madaxweynaha, hadii uu dib u dhaco waqtigii lagu balamay in doorasada Guddoonka Baarlamaanka oo ku beegneyd shalay oo taariikhda aheyd 23 November.

Sidoo kale waxaa qorshahan qeyb ka ah in marka la soo dhameystiro Xildhibaanada Aqalka Hoose la doorto ninka ugu weyn, si uu u shir-guddoomiyo kulanka Baarlamaanka, loona qabto doorashada Madaxweynaha.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: