War deg deg ah: Al Shabaab oo Xukun Dil ah ku riday Guddoomiyihii Degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose

WAAJIDPRESS – 25 NOV 2016:

Wararka laga helayo Magaalada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe ayaa sheegaya in Xarakada Al Shabaab ay Xukun dil ah ku riday Guddoomiyihii hore ee Degmada Afmadow, Cabdi Samad.

Sidoo kale, Xukunkan ayaa waxaa isna lagu riday Taliyihii Nabad Sugida ee Degmada Afmadow, kaasi oo la sheegay in uu dhalay Guddoomiye Cabdi Samad.

Dhinaca kale, Xubno ka tirsan Al Shabaab oo wata gaadiid ay ku xiran yihiin makaroofano ayaa ugu baaqayay in ay ka soo qeyb galaan xukunka lagu fulinayo Xubnahan.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in Guddoomiye Cabdi Samad iyo Taliyaha Nabad Sugida lagu toogto Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: