War deg deg ah: Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka oo maanta ay geysey Degamada Galkacayo si loo kala dhexgalo Dagaalka maamulada Puntland iyo Galmudug

WAAJIDPRESS – 25 NOV 2016:

?????????????

Wararka laga helayo Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta waxaa gaaray sida la tilmaamayo Ciidamo ka tirsan kuwa Kumaandooska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidaman ayaa sugi doono amaanka Magaalada Gaalkacyo, maadaama dhawaan Maamulada Galmudug iyo Puntland ay ka heshiiyeen colaadii halkaasi ka taagneyd.

Korneel Salaad Xaashi Xagaafaa oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Ciidamada ay soo gaareen Magaalada Gaalkacyo.

Korneelka oo la hadlay Idaacaddaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxuu sidoo kale sheegay in Ciidamada ay ka qeyb qaadan karaan heshiiska xabad joojinta Magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka dhaqan galay heshiiska Xabad joojinta ahaa ee u dhaxeeyay labada Maamulada maadaama arinta Magaalada Gaalkacyo ay soo fara gelisay Qaramada Midoobay.

Gudoomiye ku xigenka Dhinaca Siyaasada iyo Amniga ee Gobolka mudug Cabdi Xusen oo la hadlay Warbaahinta ayaaa sheegay in ciidmadani ay la shaqeyn doonan gudiyada nabadeynta Gaalkacyo iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: