War deg deg ah: Akhriso then DAAWO video: Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Suuqa Beerta Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 26 NOVEMBER 2016:

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Beerta ee Degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka dhacay Qarax Khasaare u geystay dad shacab ah.

Suuqa Beerta waa meel saxmad badan oo dadka ay ku ganacsadaan, waxaana la sheegay in qaraxaan uu sababay Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxan oo  wararka ay sheegayaan inuu ahaa nin naftii hure ah isimidaamiyey OO watey  gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Inta la og yahay  20 ruux ayaa ku dhintay qaraxaasi oo dhamaantood ahaa dad shacab ah, kuwaasi oo u badnaa dadkii ku ganacsanaayay hareeraha wadada, kuwaasi oo iibinaayay Khudaarta, Khaadka iyo Shaaha, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 30 ruux, maadaama meesha qaraxa uu ka dhacay ay aheyd laamiga dhexdiisa, dadkaana ay ku ganacsanaayay laamiga dhinaciisa.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegaya in saacado ka hor uu maray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay gaarigaan ka shakiyeen oo ay istaajiyeen, kadibna markii la arkay in la joojiyay gaariga uu sidaasi isku qarxiyay ruuxii waday, inkastoo Warar soo baxaya ay sheegayaan in la qabtay ruuxii waday gaarigaasi.

Wariyeyaashii tagay goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxa ay sheegeen inay arkayeen meydad fara badan oo gubtay, kuwaasi oo dhex daadsan goobaha Khudaarta Suuqa Beerta.

Kooxda Al Shabaab ayaa Masuuliyadda Qaraxaasi dusha u ritay kaas oo sheegeen in khasaaro ay ugu geysteen Ciidamo kuwa dowladda Federaalka ka tirsan.
Waxaa lagu soo warramaya in Gaariga qarxay lala bartilmaamsan rabay Kolonyada Madaxweynaha oo la filayay in halkaas ay soo maraan.

Qaraxyada Ismiidaaminta ah ee Muqdisho ka dhaca ayaa dhibaatada ugu badan waxa ay ka soo gaarta dadka shacabka ah – DAAWO:

 

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: