War deg deg ah: Ganacsade hadda lagu diley Muqdisho

WAAJIDPRESS- 26 NOVEMBER 2016:

Askarigan oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Dowladda Hoose ee Xamar ee Canshuurta uruuriya ayaa Ruux Ganacsade ahaa waxuu ku Dilay Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Ruuxa la Dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Muufo, waxuuna ka mid ahaa Ganacsatada Khaadka ku iibisa Isgooyska Zoobe.
Goobjooge ayaa waxuu sheegay in Dilka Ganacsade Muufo uu ka dambeeyay kadib markii murun ku saabsan canshuur bixinta uu soo kala dhex galay isaga iyo Askariga Dilka geystay.
Waxuu sidoo kale uu sheegay in Askari falka dilka ahaa geystay uu goobta isaga baxsaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa amaanka goobta gaaray ayaa bilaabay howlgallo baaritaano ah, inkastoo aan weli la soo sheegin hadii ay gacanta ku soo dhigeen Askarigii ka dambeeyay Dilka.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Amaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan Dilka ka dhacay Isgooyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: