War deg deg ah: Madaxa ilaalada safiirka Imaaraadka Carabta oo qarax gaarigiisa loogu xiray ku dhintay Magaalada Muqdisho

WAAJIDPRESS – 26 NOVEMBER 2016:

Qarax gaari lagu soo xiray ayaa maanta ka dhacay isgoyska Maanaboolyo ee degmada Shibis, gaarigaasi oo uu la socday sarkaal ciidamada ka tirsan ilaalada safaaradda Imaaraadka Carabta.

Hal qof ayaa qaraxaasi ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay labo kale, iyadoo la sheegay in qofka dhintay uu ahaa madaxa ilaalada gaarka ee Safiirka Imaaraadka Carabta.

Guddoomiyaha degmada Shibis Axmed Muumin ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in mid ka mid ah raggii saarnaa gaarigaas oo ahaa Sarkaal uu u dhintay dhaawac soo gaaray.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho oo ku aadan askarta la shaqeyneysay oo qarax loogu xiray gaari ay wateen ay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay.

Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho oo ku taal degmada C/casiis ayaa waxaa ilaaliya Ciidamo Soomaali oo ay kusoo tababareen dalkooda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: