War deg deg ah: Ciidamadii Daacish ee heystey degmada Qandala oo maanta deegaano hor leh oo ka tirsan PUNTLAND qabsadey

WAAJIDPRESS – 27 NOVEMBER 2016:

Kooxda Daacish ee dhawaan qabsatay deegaanka qandala ee gobolka bari saldhig weynna ku leh Buuraleyda Gal-gala ee Puntland ayaa waxaa ay bilaabeen isku fidinta deegaanno hor lejh oo ka tirsan gobolka Bari gaar ahaan deegaanno hoos-yimaada Qandala oo ay hadda gacant ku hayaan.

Wararka ayaa xaqiijinaya in ciidamo ka tirsan Kooxda Daacish Maanta barqadii lagu arkay deegaanka Balli-dhidin oo qiyaas ahaan dhwr KM u jira Degmada Qandala ee Gobolkaasi bari.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan daacish kana kala yimid Degmada Qandal iyo deegaanada ku xeeran Buuraleyda Gal-gala ayaa la sheegy inay buux dhaafiyeen deegaanka Balli-dhidin ee gobolka Bari.

Saraakiisha Hogaamineysa dacish-ta qabsatay deegaankan ayaa u sheegay dadka deegaanka inay is dajiyaan iyagoona durbaba fariisinno ka sameystay deegaanka balli-dhidin,wararkii ugu dambeeyey ee halkaa ka imaanayana waxay ku waramayaan in Xaladdu ay daggantahay deegaankana ay ka jirto cabsi xooggan.

 

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: