War deg deg ah: Shabaab oo maanta dagaal kula wareegay Deegaanka Dumaaye ee gobolka MUDUG

WAAJIDPRESS – 27 NOVEMBER 2016:

Mintidiinta Ururka Al Shabaab, ayaa galabta dagaal kula wareegay Deegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, ka dib dagaal ay kula galeen dadka deegaanka.

Dadka deegaanka, ayaa waxay ka horyimaadeen bixinta lacago iyo xoolo, ay Shabaabku ku sheegeen Zakaawaat, taasoona keentay in ay gacmaha isula taggaan labada dhinac.

Nin ka tirsan dadka deegaanka, balse ka barakacay, ayaa Dhacdo.com u sheegay in Shabaabku la wareegeen gacan ku haynta Deegaanada Dumaaye iyo Dabagala.

Ninkan oo ka gaabsaday magaciisa, ayaa yiri “Nimankan nabadiidka maalmahaanba waxay la dagaalamayeen dadka deegaanka, markii hore dagaalka wuxuu ka bilowday Deegaanka Dabagala, iyagaana qabsaday, Dumaaye ayuuna ku soo fiday.”

Waxaa kaloo uu yiri “Deegaanadan aad arkeyso waa deegaano isu dhow dhow, waxayna hoos-taggaan Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, waadna ogtihiin in Xarardheere ay iyagu jooggaan.”

Waxa uu intaa raaciyay “Dadkii ku noollaa Dabagala iyo Dumaaye way ka carareen, cid ku hartay oo aan kuu sheegi karo ma jirto. Haddii ay cid joogtana waxaa joogga nabadiidkii oo keliya.”

Dhinaca kale Maamulka Galmudug, ayaa sheegay in uu qaban qaabinaayo gurmad loo fidiyo dadka laga barakiciyay guryahooda, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Galmudug, C/laahi Xaashi Faarax (Roobda’ay).

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: