DAAWO: SHIR MAANTA KA DHACAY XALANE OO AY YEESHEEN GUDOOMIYE Prof. Jawaari, Mr. Keating iyo Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Avv. Cagey

WAAJIDPRESS – 28 NOV 2016:

shirka-arimaha-doorashooyinka-1   shir-300x169

Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan gaar ah oo looga hadlayo Doorashada, Kulani oo u dhaxeeyay oo keliya Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ergeyga Gaarka Qaramada Midoobey Micheal Keating, Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Avv. Cagey (oo ka soo jeeda beesha Abgaal) iyo Wakiilo gaar ah oo ka socdey beesha Caalamka.

Ujeedada ugu weyn ee kulanka ayaa ah waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha dalka in la isla garto, maadaama dhowr mar dib u dhac uu ku yimid.

Shirka markii uu soo dhamaadey ayaa, Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban Avv. Cumar Maxamed Cabdulle “Cumar  Dhageey” oo warbaahinta gelinkii dambe ee maanta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waqti dhow ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka wuxuu sheegay in doorashada madaxweynaha dhawaan dhaceyso ayna qasab tahay in doorashada ay dhacdo ka hor sanadka cusub ee 2017.

Dhinaca kale gudoomiye Dhageey ayaa cadeeyay in labo maalin kadib ay bixin doonaan shahaadooyinka ama aqoonsiyada dhamaan xildhibaanada lagu doortay degmooyinka kala duwan ee caasimadaha u ah maamul goboleedyada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ergeyga gaar Qaramada Midoobey Micheal Keating ayaa Waxa ay saadaaliyeen inay Doorashada qabsoomi doonto bisha soo soocta ee December 15-da ee 2016.

Ilaa 18 Musharax ayaana u taagan Doorashadda Madaxtinimaddii, kuwaasi oo 2 ka mid yihiin Haween.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: