WAAJIDPRESS – 28 NOVEMBER 2016:
Maamulka Puntland, ayaa Imaamyada Masaajidada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxa ay ku amreen inay isa soo diiwaangeliyaan si loola socdo dhaqdhaqaaqa ay sameynayaan.
Cabdi Waaxid Cabdulle Warsame oo ah Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Mudug maamulka Puntland ayaa u sheegay Suxufiyiinta in laga doonaayo Imaamyada inay isa soo diiwaangeliyaan si loola socdo dhaq-dhaqaaqa ay sameynayaan.
Waxa uu sheegay ujeedada inay tahay adkeynta ammaanka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale in lala socdo Ardayda waxa lagu baraayo Masaajidada.
Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Mudug, ayaa dhinaca kale ku amray Macalimiinta Dugsi Qur’aanka dhiga iyo kuwa Iskuulada wax ka dhiga intaba in laga doonaayo iyagana inay isa soo diiwaangeliyaan.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in la ogaado in Macalimiinta ay arday marin habaabin ku sameeyaan iyo inay u dhigaan Duruusta Waxbarashada caadiga ah oo aanan la socon wax kale oo dheeraad ah.
Maamulka Puntland ayaa aaminsan dhalinyarada ku biirta Ururka Al Shabaab ee deeganadaasi ku sugan in laga marin habaabiyo goobaha ay wax ka bartaan oo Fekrado qaldan lagu baro.
U dhaaf Halcelis