War deg deg ah: Qarax Xoogan oo Ciidamada Puntland lagula eegtay Duleedka Boosaaso

WAAJIDPRESS – 29 NOV 2016:

war-deg-dega12

Wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in Qarax khasaaro geystay lagu beegsaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland.

Qaraxan oo ahaa miino ayaa khasaaro dhimasho iyo mid dhaawacba waxuu u geystay sida la sheegay Ciidamada Maamulka Puntland.

Kolonyada Ciidamada Puntland ayaa Qaraxan waxaa lagula eegtay inta u dhaxeysa Buuraha Galgala iyo Magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale, Xarakada Al Shabaab ayaa dhabarka u ritay mas’uuliyada Qaraxaasi ka dhacay Duleedka Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Warbaahinta ayaa sheegeysa in Qaraxaasi ay ku dhinteen labo Askari, islamarkaana lagu dhaawacay 11 kale oo ka mid ah Ciidamada Maamulka Puntland.

Buuralayada Galgala ayaa waxaa hore uga dhacay dagaalo ay isaga horyimaadeen ciidamada amniga ee Puntland iyo Al-Shabaab iyadoo qaar ka mid ah dagaalyahanadii ururka Alshabaab ay ku biireen ururka IS.

Buuraleyda Galgala ayaa ah meel ay saldhigyo u lahaayeen ururka Daacish iyagoo hore dagaalo halkaas ka dhacay ay geysteen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray ciidamada ammaanka Puntland iyo dagaalyahanada Daacish.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Puntland oo ku aadan sheegashada Al Shabaab ee ah in Qarax ay ku burburiyeen Kolonyo ay wateen Ciidamada Puntland.

Ugu dambeyn, Ciidamada Maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe isku diyaarinayeen qaadista weerar ka dhan ah Xoogag ka mid ah Ururka Daacish oo ku sugan Degaanka Qandala.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: