Donald Trump oo ka hadlay wiilkii Somaliga ee weeraray Jaamacadda Ohio

WAAJIDPRESS – 30 NOVEMBER 2016:

Donald Trump, Madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii uu C/risaaq Cali Cartan ku qaaday Jaamacadda Ohio ee Magaalada Columbus, maalintii Isniinta.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, ayaa sheegay ka hor inta aan la toogan C/risaaq Cali Cartan, uusan mudnaynba inuu ku noollaado Mareykanka.

Ururka Daacish oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka), ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, oo Cartan uu ku dhaawacay kow iyo toban qof.

Daacish, ayaa barteeda Amaq ku sheegtay in Cartan oo 18 sano jir ahaa, uu ahaa askari iyaga ka tirsan.

Donald Trump, ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-kiisa ku sheegay “Kooxda ISIS ayaa ku faaneyso tooriyayntii Jamaacadda Ohio, oo uu gaystay qaxooti Soomaali ah, oo markii horeba aan mudnayn inuu dalkeena jooggo.”

Weerarkan waxaa uu noqonayaa noociisii ugu horeeyay oo Muwaadin Somaliyeed uu ka gaysto gudaha Mareykanka, tan iyo markii Donald Trump loo doortay Madaxweynaha Mareykanka.

Trump, ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday bulshada Somaliyeed ee ku nool dalkaasi, isagoo markaasi ku eedeynaya inay argagixiso yihiin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: