Archive for Diseembar, 2016

DAAWO: MUSHARAXA SHARIIF XASSAN OO MAANTA QADO MUQDISHO UGU SUUBIYEY XILDHIBAANADA LABADA AQAL EE LAGA SOO DOORTEY KOONFUR GALBEED

Diseembar 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 DEC 2016:

img_1189 img_1190 img_1191 img_1192

Musharax Shariif Xasn Sheekh Aaden ayaa Qado Sharafeed Magaalada Muqdisho  ugu sameeyey Xildhibaanada Aqalka Sare iyo kuwa Gobolaha Shacabka ee ka soo jeedo Koonfur Galbeed Soomaliya waxa uuna u bandhigay Siyaasadiisa ku aadan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo u istaagay.

Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden oo khudbad dhinacyo badan taabaneyso u jeediyey Xildhibaanada ayaa Sharaxaad ka bixiyey wax yaabaha uu qabanayo hadii uu ku guuleysto Xilka uu isku soo taagay iyo Sababaha ku kalifay in uu go’aankaan qaato, FILO video balse hadaladiisa waxaa KA mid ahaa:

“Maanta Dalka waxa uu maraya Marxalad adag,Dalka waxa uu u baahanyahay Hogaamiye tayo leh oo badbaadinkara Shacabka Soomaaliyeed oo muddo sanado ah dhibaato ku jiray,Aniga waxaa iga go’an in aan la imaado Siyaasad ku dhisan Dad iyo Dal dhisid,Waxaa Xildhibaanada Sharafta ka Codsanayaa in aad Codkiina i siisaan si Yoolka aan hiigsanayo u gaaro”ayuu yiri Musharax Shariif Xasan Sheekh Aden.

Xildhibaano badan OO kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ay si fiican u garanaayaan Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden goobjoogna u ahaa waxqabadkiisa ka dib Burburkii dalka,waxayna Sheegeen in Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden uu yahay Shaqsi mudan in dalkaan uu hogaamiyo

Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa u mahadceliyey Dhammaan Xildhibaanada ka qeybgalay kulanka,waxa uuna ugu Hambalyeeyey Xilka ay ku soo guuleysteen.

Si Kastaba ha ahaatee Waxa Lagu wada in Maalinta barito uu la kulmo Xildhibaanada Labada aqal Ee laga soo doortey Degaanada Jubbaland, isntiinta waxa uu la kulmi doona Kuwo Gal-mudug, Talaadadana uu la kulmo kuwa PUNTLAND, Arbacadana uu la kulmo xildhibaanada SOMALILAND iyo khamiista uu la kulmaayo Xildhibaanada Beesha 5’aad.

Ugu dambeyntii, Musharax Shariif Xasan Sheekh ayaa ka mid ah Musharixiinta la saadaalinayo in ay ku guuleystaan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya hadii uu ka gudbo Xeen daabka horyaalka ee Gudoomiyaha Baarlamanka hadii aan loo dooran qof ka soojeeda Beelaha Digil iyo Mirifle,,waxaana Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Somaliyeed ay sheegeen in Musharax Shariif Xasan in uu Dalka u baahanyahay.

Advertisements

WAR DEG DEG AH: TALIYE KU XIGEENKII MADAXTOOYADA SOOMALIYA OO LAGU DILAY GUDAHA MADAXTOOYADA SOOMAALIYA

Diseembar 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 DEC 2016:

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa dil Taliye ku-xigeenka MADAXTOOYADA SOOMAALIYA  maanta loogu gaystay Xarunta Madaxtooyada Somaliya dhexdeeda, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay askari ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada.

Ilo wareedyo, ayaa WAAJIDPRESS u sheegay in Korneyl Cabdi Cabdulle Qoorgaab, oo ahaa Taliye Ku Xigeenkii Ciidanka Koofi Casta ee ka hawlgala Villa Somalia, loo dilay lacag dhan boqol lacagta Mareykanka.

ALLAHA U NAXARIISTO “Korneyl Cabdi Cabdulle Qoorgaab wuxuu ahaa Abaan Duulihii Ciidamada Koofi Casta ee Madaxtooyada,  wuxuuna ahaa  Taliye Ku Xigeenka Ciidamada.” Ayuu yiri Sarkaal Madaxtooyada ka tirsan oo u waramay WAAJIDPRESS.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa loo adeegsado Warbaahinta, ayaa yiri “Abaan Duulaha, ayaa waxaa dilay nin askari ah, sababtuna waxaa weeye shalay ayaa mushaarka loo qaybiyay Ciidamada Koofi Casta, askarigana kuma jirin askartii mushaarka la siiyay. Maanta ayuu soo maqlay in mushaaraadka si hoose loogu qaybiyay Ciidamada Koofi Casta oo uu ka tirsanaa, wuxuuna ku yiri mushaarkayga i sii, isagiina si toos ah ugu muu jawaabin. Boqol dollar ($100) ayuuna maanta u dhintay.”

Waxaa uu tilmaamay in mushkilad ay ka taagan tahay bixinta mushaaraadka Ciidamada Qalabka Sida Qaranka, isagoo intaa ku daray in markasta la musuq maasuqo mushaaraadka ciidamada.

“Arrinta mushaaraadka ciidamada murunka baa ka dhasha mar walba. Waa wax taagan, maxaa yeelay nin xukuma ciidan meel joogga ayaa Taliyaha Ciidamada ka soo saxiixaya in ciidanka uu mushaarka u qaybinayo, markuu ka so qaado Wasaaradda Maaliyadana, si hoose ayuu ugu qaybiyaa ciidan yar oo ka mid ah ciidanka uu xukumo. Qaab qabiil ha ugu qaybiyo ama ha ugu qaybiyo si is garasho ah. Inta badan ciidankaasi lacagaha waxaa loogu diraa teleefanadooda gacanta. Hadhowna waxaa loo sheegaa Madaxda Dowladda in la bixiyay mushaarkii.” Ayuu yiri Sarkaalkan.

Sarkaalkan, ayaa intaa raaciyay “Hadaba dhibaatada waxay ka jirtaa Madaxdii Qaranka oo aan wax hubin ah ku samaynin in mushaarkii ciidanka la gaarsiiyay iyo in kale. Taas ayaana u sahlaysa in musuq maasuq uu ku kaco Sarkaalkii xukumaayay ciidanka hoos-tagga.”

Hay’adaha ammaanka ee Magaalada Muqdisho, ayaa baadi-goob ugu jira askariga dilka gaystay, kaa oo duhurnimadii maanta ka baxsaday Villa Somalia, ka dib dilka Korneyl Qoorgaab.

Xildhibaanada oo ansaxiyay lacagaha laga doonayo musharaxiinta iyo Xildhibaanada la diiday oo la dhaariyay

Diseembar 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 DEC 2016:

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa meelmariyay lacagaha laga doonayo musharaxiinta.

Xildhibaanada, ayaa ansaxiyay in musharaxiinta Madaxweynaha laga doonayo soddon kun oo lacagta Mareykanka ($30,000), halka musharaxiinta Guddoonka Baarlmaanka, ay iyaguna tahay in ay bixiyan shan iyo toban kun oo dollar ($15,000).

Dood, ayaa ka dhalatay ansaxinta lacagaha ay tahay in ay bixiyan musharaxiinta, inkastoo markii dambe loo codeeyay in cod loo qaado, iyadoona inta badan Xildhibaanada ay isla qaateen in musharaxiinta Madaxweynaha laga rabo soddon kun oo dollar, halka musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka, iyana laga doonayo shan iyo toban kun oo dollar.

Gudoomiyaha kmg ee Baarlamaanka, Cismaan Cilmi Boqore, ayaa ku dhawaaqay in 226 Xildhibaan, ay haa ugu codeysay, iyadoo 11 ay diiday, halka 2 kalana ay ka aamustay.

Gudoomiyaha, ayaa wuxuu sheegay in meelmarinta Xildhibaanada ay ansax tahay, musharax kastana laga doonayo in uu bixiyo lacagahaasi.

Dhanka kale Xarunta Golaha Shacabka, ayaa maanta lagu dhaariyay 17 Xildhibaan. Xildhibaanada la dhaariyay waxaa ku jira Maxamed Axmed Abtidoon iyo Muna Khaliif Sheekh Abu (Muna Kay), oo horey ay u laaleen Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Talaadadii, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu dhaariyay 281 Xildhibaan, iyadoo illaa iyo hadda Xildhibaanada la dhaariyay, ay wadartoodu noqonayso 298 Mudane, kana wada tirsan Labada Aqal.

Donald Trump oo ammaanay Madaxweyne Putin

Diseembar 31, 2016

WAAJIDPRESS – 31 DEC 2016:

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay talaabada u qaaday madaxweynaha Ruushka Mr Putin ee ah inuusan ku dayan dowlada Maraykanka oo horay u ceyrisay diblomaasiyiin Ruush ah.
Kuwaasoo loo haysto inay ka dambeeyeen faragalin lagu sameeyey doorashadii Maraykanka ka dhacday.
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa hore u sheegay in uusan musaafurin doonin diblumaasiyiinta Mareykanka.
Mr Putin wuxuu sheegay inuu sugaayo illaa Donald Trump uu xilka kala wareegaayo bisha January, ka hor inteysan go’aan gaarin.
Wuxuu xaqiijiyay in caruurta diblumaasiyiinta Mareykanka lagu casuumaayo aqalka Kremlin-ka oo dabaadegga sanadka cusub ay kaga qeybgali doonaan.

War deg deg ah: MADAXWEYNE Xassan si qarsoodi ah Ethiopia u gaarey KA dib markii madaxda Maamul goboleedyada si cad u diideen taageeridiisa

Diseembar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 DEC 2016:

-Wararka naga soo gaaraya Safaaradda dawladda Faderaalka Soomaaliya ee magaalada Addis Ababa ayaa xaqiijinaya in uu saaka si qarsoodi ah ku soo gaaray dalka Itoobya, Madaxweynaha xilka ka dagaya ee dawladda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa diyaarad khaas ah ka soo qaaday magaalada Muqdisho saaka, isagoo soo gaaray Addis Ababa, waxaana halkaas ugu yeeray Xukuumadda Addis Ababa oo hadda faragalin ku toos ah ku haysa doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ayaa taageero kasta ka raadinata Addis Ababa, waxaana xasuus mudan in uu Xasan Sheekh balan qaaday in uu saxiixayo qorshe kasta oo ay Itoobiya ka leedahay Soomaaliya.

Horjoogayaasha Galmudug, HIRSHABEELLE iyo Koonfur Galbeed oo dhawaan la geeyey Addis Ababa waxay diideen soo jeedinta Itoobiya ee kuaadan dib u doorashada Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo lagu wado in ay doortaan Guddoonka labada Aqa

Diseembar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 DEC 2016:

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in berri oo Sabti ah ay yeeshaan kulankoodii 2aad ee kalfadhiga koowaad iyadoo kulankaasina ay shir guddoomin doonaan guddoomiyaasha kumeelgaarka ah ee ah kuwa ugu da’ada weyn labada gole.

Kulankaan ayaa laga yaabaa in laga soo saaro guddiga doorashada guddoomiyaha baalamaanka iyo ku xigeenadiisa iyo weliba guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la saadaalinayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee labada Aqal in maalinta barrito ay soo doortaan Hogaankii Golaha, iyadoo ay jiraan shaqsiyaad isku soo taagay qabashada xilkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kulamo kala duwan ay qaadanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka cusub iyo shaqsiyaadka doonaya in ay noqdaan Xubno ka mid ah Guddoonka Baarlamaanka Soomnaaliya.

Waxaa sidoo kale wararka ay sheegayaan in uu ugu cad cad yahay xildhibaan  CabdiRashiid Xidig OO KA soo jeeda Beesha (OGAADEEN-DAAROOD), uu doonaayo xilkaasi.

Ugu dambeyn, Cabdirashiid ayaa la aaminsan yahay in uu taageero rasmi ah ka heysto Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo haatan ah Musharax Madaxweyne.

DAAWO SHAXDA: KHARASHKA XILDHIBAANADA LABADA AQAL – BISHII IYO SANADKIIBA

Diseembar 30, 2016

 

WAAJIDPRESS – 30 DEC 2016:

 

img_1187

 

DAAWO: MAAMULKA KOONFUR GALBEED OO MAANTA MAGACAABEY GUDIGA ABAARAHA DEEGAANADA KOONFUR GALBEED

Diseembar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 DEC 2016:

 

KALA OROD CAAWA KA DHACAY XEEBTO LIIDO MAGAALADA MUQDISHO

Diseembar 30, 2016

WAAJIDPRESS – 30 DEC 2016:

Israsaaseyn xoogan ayaa caawa ka dhacday agagaarka xeebta Liido ee magaalada Muqdisho taasoo dhexmartay ciidamo ka tirsan dowlada iyo ilaalada hotelada halkaasi ku yaalla qaarkood.

Goob joogayaal ayaa sheegay in israsaastu ay bilaabatay markii ilaalada hotelka Beach view iyo hotel deris la’ah ay rasaas ku fureen gaari nooca Soomaalidu u taqaano Cabdi bilaha oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan nabad sugida Somalia.

Ilaalada labada hotel ayaa la sheegay iney ka shakiyeen gaariga Cabdi bilaha oo ka yimid dhinaca xeebta, kaasoo iska dhega mariyey digniin la siiyey oo aheyd inuu joogsado, waxayna taasi sababtay iney rasaas ooda kaga qaadaan gaarigan oo si xowli ah ku socday, iyadoo ciidamadii la socday gaariga ay iyana rasaas kale ku jawaabeen.

Israsaaseyntan oo socotay qadar daqiiqado ah ayaa saameysay dadkii ku caweynayey hotelada halkaas ku yaalla qaarkood oo bilaabay iney kala cararaan ka dib markii rasaasta halkaas la isku weydaarsanayey ay u qaateen in goobta uu ka bilowday weerar ay soo qaadeen rag ka tirsan Al-Shabaab jahwareer xoogan ayaaa goobta ka dhacay.

Dad badan oo ku sugnaa Xaflad aroos ah oo ka socotay mid ka mid ah hotelada halkaas ku yaalla ayaa la sheegay iney mar kaliya ooda kala jabsadeen, waxaana isbuurasho iyo khal khal badan laga dareemay albaabada laga galo qeybaha uu aroosku ka socday, iyadoo dadka qaar ay iska soo tuureen dabaqyada hotelada si ay naftooda ula baxsadaan.

Goobaha laga cararay ayaa waxaa daadsanaa kuraas, mobilo fara badan, kabo kala jaad ah iyo waxyaabo kale oo ay wateen dadkii goobtaas ku sugnaa.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada oo markiiba goobta gaaray ayaa la sheegay iney xaalada qaboojiyeen, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay israsaaseynta ka dbacday xeebta Liido iyo isbuurashada ka dambeysayba.

Xeebta Liido ayaa ka mid ah goobaha ugu badan ee loo damaashaad tago magaalada Muqdisho, waxaana ku yaalla hotelo iyo baarar loogu talo iney dadku ku nastaan, iyadoo halkaasi ay horey uga dhaceen weeraro iskugu jiray qaraxyo ismiidaamin ah iyo kuwo toos ah oo ay fuliyeen dabley ka tirsan al-shabaab, kuwaasoo salfaday nolosha dad badan.

Maadaama dhowr weerar ay halkaas ka dhaceen ayaa dadka ku sugan xeebta Liido waxay yihiin kuwo dareen ku joog ah, iyadoo mar kasta la fili karo weeraro halkaas lagu soo qaado.

DHAGEYSO: MUSHARAXA JAGADA MADAXWEYNENIMO SHARIIF XASSAN OO WAREYSI SIIYEY IDAACADA VOA

Diseembar 29, 2016

WAAJIDPRESS – 28 DEC 2016:

img_1186

Madaxweynaha dowlad gobolleedka K/galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo wareysi siinayay laanta afka Soomaalida ee VOA-da isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay in wali uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Maalmihii ugu danbeeyay soo baxay ayaa sheegayay in Shariif Xassan dowlad Itoobiya ka ku qancisay in uu ka tanaasulo musharaxnimadiisa, hasse ahaatee isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayuu sheegay inuu wali u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

‘’Maamulka Koonfur galbeed, Baarlamaanka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada K/galbeed ayaa kala tashtay arintan, dhamaantoodna waxey igu dhiiri-galiyeen in aan u tartamo xilkan, sidaa daraadeed musharax ayaan ahay waxaana rajeynayaa in aan sanadkan dalka madaxweyne ka noqdo‘’ ayuu yiri Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Shariif Xassan Wuxuu kaloo aad uga Hadley madasha iyo Kuraastii lagu kordhiyey Aqalka sare –

Dhageyso VOA:

 

http://www.voasomali.com/a/3655362.html