Akhriso then DAAWO: Wasiir Fargeeti oo ka hadlay hujuumkii Shirkadda Caymiska ee Takaful

WAAJIDPRESS – 30 NOVEMBER 2016:

Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti), Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, ayaa wuxuu ka hadlay culeyskii ay Shirkadda Caymiska ee Takaful soo saartay gaadiidleyda Magaalada Muqdisho, ee ahaa inay bixiyan lacago caymis oo aan sharci ahayn.

Wasiirka oo Arbacadii ka soo muuqday Warbaahinta, ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin wax ogolaansho ah oo Takaful, ay amuurtaasi uga haysatay Wasaaradda Maaliyadda.

“Waxaan rabaa inaan warbixin kooban ka bixiyo dhacdadii shalay dhacday, oo gaadiidleyda ay ka cabanayeen caymis lagu soo rogay, oo si khasab ah loogu khasbaayay. Anigoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Maaliyadda waxaan u cadeynaya shacabka in illaa iyo hadda aysan jirin shuruuc u ogolanaya shirkadaha gaarka loo leeyahay inay caymis shacabka ka qaadaan.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka, ayaa tibaaxay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka masuul tahay arrimaha caymiska, iyadoo ku dhaqmayso xeerkii dalka uga yaalay, ka hor intii aysan dhicin Dowladdii Dhexe.

“Wsaaaradda Maaliyadda ayaa ka masuul ah, iyadoo tix raaceyso shuruucdii u degsanaa wadanka, intuusan burburka dhicin ka hor, shuruucdaasna welina ay yihiin kuwa hadda lagu shaqaynayo.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiir Fargeeti, ayaa yiri “Anaga cid aan u igmanay amaba u ogolaanay inay canshuur caymis ah ka qaadaan shacabka ma jiro. Midda labaadna caymiska waxa uu ahaa mid ay gacanta ku hayso dowladda, shuruucdii loogu ogolanaayay in shirkadaha gaarka loo leeyahay caymiska ay bixiyan qidmadaasi, weli labada gole kama soo bixin (Golaha Wasiirada iyo Golaha Shacabkaba), marka arrintaasi waa arrin taagan, oo lagama maarmaan ah in la hirgeliyo. Laakiin dowladda cusub ayaan ka rajeynaynaa inay arrintaasi fiiro gaar ah u yeelato.”

Fargeeti waxaa uu intaa raaciyay “Waxaan aad iyo aad uga xunahay dhacdadii shalay dhacday, oo ah in shacabweynaha lagu khasbo caymis aysan iyaga raali ka ahayn, oo hadana sharci ku dhisnayn. Marka waxaan ka cudurdaaraneynaa oo ka raaligelineynaa shacabka wixii shalay dhacay. Wasaaradda Maaliyadda wax lug ah oo ay ku leedahay dhacdadaasi ma jirto” – DAAWO:

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: