War deg deg ah: Gudoomiyihii degmada Jalalaqsi oo ay shabaab dhaawaceen iyo Godax oo aad uga soo horjeedo Madaxweynaha oo xildhibaanimo maanta ku guuleystey

WAAJIDPRESS – 1 DEC 2016:

war-deg-dega12

wararka inaga soo gaaraya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa  waxaa maanta  dhaawac uu soo gaaray Guddoomiyaha Degmadaasi Maxamed Cabdulle Fiidow, kadib markii Shabaab ay wadada u galeen Kolonyo uu la socday.

Gaadiidka uu la socday Guddoomiyaha oo ka ambabaxay Degmada Jowhar, ayaa wuxuu ku sii jeeday Degmada Jalalaqsi, markii uu maraayay inta u dhaxeysa Ceelbaraf iyo Jalalaqsi ayaa Shabaab wadada u galeen.

Ciidamada Shabaabka ayaa rasaas huwiyay gaariga uu saarnaa Guddoomiyaha, waxaana taasi ay dhalisay hal Askari oo ka mid ah Askartii ilaalada u aheyd Guddoomiyaha inuu dhinto, halka Guddoomiyaha laftiisa dhaawac uu soo gaaray.

Wararka waxa ay sheegayaan Guddoomiyaha iyo labo Askari oo kale oo ka mid aheyd ilaaladiisa, inay ku dhaawacmen weerarkaasi, inkastoo ay iska caabiyeen weerarka Shabaabka ay ku soo qaadeen.

C/laahi Goodax Barre oo lagu tiriyo Xildhibaanada sida aadka ah uga soo horjeedo siyaasada Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa maanta ku soo baxay Doorashada ka socota Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe oo labo wareeg lagu kala baxay.

Musharaxiin gaareysa Afar Musharax ayaa u tartamaayay Xilkaan, hayeeshe wareegii koowaad ayaa waxaa haray labo Musharax.

Wareegi labaad ee Doorashada ayaa waxaa isku soo haray Bile Iidle Sabriye iyo C/laahi Goodax Barre.

Guddiga Doorashada oo tiriyay codadka Doorashada ayaa ku dhawaaqay in Kursiga Aqalka hoose uu ku guuleystay C/laahi Goodax Barre.

C/laahi Goodax Barre, ayaa ku soo baxay codad gaaraya 34 cod, sida Guddiga ku dhawaaqeeen, markii ay doorashada dhamaatey ayaa Dabaal dega guusha C/llaahi Goodax Barre ayaa ka bilaabatay magaalada Beledweyn, iyadoo rasaas cirka loo ridayo.

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s


%d bloggers like this: