Khadiijo Maxamed Diiriye oo isu sharaxday xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka

WAAJIDPRESS – 2 DEC 2016:

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah Xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa noqotay musharaxii ugu horeeyey ee isku soo sharaxa qabashada xilka Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka.

“Waxaan doonayaa inaan halkan uga cadeeyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda Xildhibaannada Golaha Shacabka inaan ahay Murashax u taagan qabashada Xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka oo aan qof ahaan u arkay in uu yahay xil aan gudashada waajibaadkiisa si hufan uga soo bixi karo hadii la ii doorto, isla markaana aan leeyahay waaya aragnimo iyo aqoon ku filan oo aan ku qaban karo” ayay tiri Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo si rasmi ah u shaacisay musharaxnimadeeda xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay inay u aragto in la gaaray xilligii ku habooneyd oo ay qibradeeda dhanka siyaasadda iyo doorkeeda hogaamineed uga faa’ideyn laheyd shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay kalsoonida ay ku qabto Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku dhiiri gelisay inay isku sharaxdo qabashada jagada Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Inkastoo Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ay noqoneyso musharaxii ugu horeeyey ee si rasmi ah u shaaciyey in uu taagan yahay qabashada xilka Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 10aad ayaa waxaa murashaxnimadeeda ay imaaneysaa xili Haweenka ay doorashada Golaha Shacabka ee sanadkan 2016 xubno badan ka heleen Baarlamaanka taasi oo qeyb ka ah waxyaabaha u fududeynaya ku guuleysashada xilkan.

Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa 15-kii sano ee ugu dambeeyey ka mid ah aheyd Xildhibaannadii kala duwanaa ee dowladihii dalka soo maray, waxaana ay si rasmi ah uga mid noqotay sanadkii 2000 Baarlamaankii KMG ee lagu soo dhigsay dalka Djibouti waxaana xiligaasi wixii ka dambeeyey ay aheyd Xildhibaan xilal kala duwan ka qabtay hogaaminta guddiyada Golaha, sidoo kalena waxa ay xilal heer Wasiir kasoo qabatay dowladihii ugu dambeeyey ee dalka soo maray waxaana ka sokow xildhibaannimo hada ay tahay wakiilka Haweenka Soomaaliyeed u metelaya Golaha Haweenka Xildhibaannada urur goboleedka IGAD IPU-IGAD Women CAUCUS oo ay si rasmi ah u noqotay bartamihii sanadkan 2016.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: