WAAJIDPRESS – 2 December 2016:
Dowladda Maraykanka ayaa Maanta Lix Diyaaradood oo nooca qummaatiga u kaca ah ku wareejisay Wasaaradda Gaashaan dhigga ee Dalka Kenya, kuwaas oo loogu tala galay in lagula dagaallamo Ururka Al-Shabaab.
Xoghayaha difaaca xukuumada Kenya,Haweeneyda lagu Magacaabo, Raychelle Omamo, ayaa sheegtay inay Diyaaradahani qaarkood yihiin Air Base , iyadoo Laba kalena la filayo in lasoo gaarsiiyo Bisha May ee 2017-da.
“Waxay kaalin weyn ka Ciyaari doonaan Diyaaradahan, howlaha adag ee aan ka wadno Soomaaliya iyo la dagaallanka Argagixisada, ayay tiri Ms. Raychelle Omamo.
Deeqdan Diyaaradaha ah ayaa lagu qiimeeyay 106 Milyan oo Dollar oo u dhiganta 11 billion oo Kenya Shillin ah, taasoo qayb ka ah heshiis lagu kobcinayo ammaanka Gobolka oo ay horay u wada galeen Waddamada Saxaraha ka hooseeya iyo Madaxweynaha xilka kasii dagaya Dalka Maraykanka Brack Obama.
U dhaaf Halcelis