Cabdi Raxmaan Farole oo ka soo horjeestay hadal ka soo yeeray Guddiga Doorashada

WAAJIDPRESS – 3 DECEMBER 2016:

Xildhibaan Cabdi Raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole” oo ka tirsan Xubnaha Aqalka sare ee dalka, ayaa ka soo horjeestay hadal ka soo yeeray Guddiga Doorashada dalka.

Faroole ayaa iska diiday hadalkii ahaa in Xildhibaanada cusub ay yimaadaan Magaalada Muqdisho si ay u qaataan kaararka Aqoonsiga Xubinimada Baarlamaanka Somaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka, ayaa horay u sheegay in Shahaadooyinka ay ku siinayaan Xildhibaanada cusub Magaalada Muqdisho.

“Ninka hadda madaxda looga dhigay guddiga doorashada, qaraabo dhowna ay yihiin Xasan Sheikh wuxuu ku dhawaaqayay Xamar ha yimaadaan xildhibaanadu oo ha qaataan kaararka aqoonsiga, arrintaas waxaan u aragnaa inay tahay sheeko carruureed,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in sharci ay tahay in Guddiyada qaabilsan doorashooyinka heer Federal loo soo dhiibo Shahaadooyinka Aqoonsiga Xildhibaanimada.

Maamulka Puntland ayaa inta badan looga bartay inay ka soo horjeestaan wax kasta oo hanaan u ah geedi socodka Isbedelka Siyaasadeed ee dalka, iyaga oo hada ka biyo diidan Dooarashooyinka socda.

Maamulka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in 6-da December kulanka ugu horeeya ee Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya uu ka qabsoomayo Xarunta Villa Hargeysa ee Muqdisho.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: