War Deg Deg ah:- Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay Bangiga Magaalada Gaalkacyo ee gobolka MUDUG

WAAJIDPRESS – 3 DEC 2016:

Ciidamo ka tirsan Puntland ayaa la wareegay Xarunta Bangiga dhexe ee maamulka Puntland, waxaana ay diideen in ay dadka ka soo agdhawaadaan.
Ciidamada ayaa la sheegayaa in ay ka gadood sanyihiin mushaar li’ heysatay muddo bilo ah.
Ciidamada ayaa xiray Waddooyinka soo gala Bangiga ilaa Garoonka Diyaarada ee Gaalkacyo,waxaana ay hakad geliyeen shaqadii Bandhiga.

Qof ka mid ah dadka kunool Gaalkacyo ayaa sidaan Risaala u sheegay ” Walaal ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa la wareegay Bankiga Magaalada Gaalkacyo , waxa uu ku yaalla Waqooyiga Magaalada, garan mayno sababta , xitaa waxa ay xireen waddii aadi jirtay Garoonka Gaalkacyo”
Dhowr bilood ka hor Ciidan ka tirsan Puntland ayaa sidan oo kale qabsaday Bangiga dhexe ee Gaalkacyo iyo kan ku yaalla Garoowe inkasta oo markii dambe laga saaray.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: