Madaxweyne Xasan oo Madaxtooyada ka furay Shirka Madasha

WAAJIDPRESS – 7 DEC 2016:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 11-kii barqanimo ee maanta furay Shirka Madasha Wadatashiga Qaran, kana furay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

Shirkan, ayaa waxaa ka qaybgelaya Madaxda Dowladda Somaliya, Maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka ee Somaliya. Madaxweynaha Somaliya waxaa ku wehlinaya Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Afhayeenka Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Dalka, Maxamed Cumar Carte.

Madaxda Maamul Goboleedyada, ayaa waxaa shirka ka joogga Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble, Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland, C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey).

Shirkan, ayaa ku bilowday wada hadalo u gaar ahaa Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada, iyadoona ay dib kaga soo biireen Wakiilada Beesha Caalamka qaarkood.

Madaxtooyada Somaliya, ayaa waxay sheegtay in shirka lagu dhameystiri doono arrimaha doorashooyinka sanadkan, lana rajeynayo in mowqif mideysan laga soo saaro.

Khilaaf, ayaa toddobaadkii hore soo kala dhex galay Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Maamulka Puntland, ka dib markii ay Puntland ka biyo diiday in Magaalada Muqdisho lagu soo doorto Xildhibaanada Aqalka Sare, ee ka imaanaya Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn. Puntland waxay sidoo kale diiday in iyadoo aan la soo dhameystirin 275-ka Xildhibaan ee Aqalka Hoose, ay kulmaan Xildhibaanada.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: