Waa imisa tirada Xildhibaanada Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare ee illaa iyo hadda la doortay?

WAAJIDPRESS – 7 DECEMBER 2016:

Guddiga Doorashooyinka dadban ee dalka ayaa shaaca ka qaaday tirada Xildhibaanada Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee illaa hadda lagu doortay Xarumaha ay ka socdaan Doorashooyinka dadban ee dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban, Abukaate Cumar Cabdulle Dhagey, ayaa sheegay Xildhibaanada illaa hadda la doortay inay gaarayaan 204 Xildhibaan oo Aqalka Hoose ah.

Tirada Guud ee Xildhibaanada Aqalka Hoose waa 275 Xildhibaan, welina waxaa socda Doorashooyinka Xubnaha Aqalka Hoose, kuwaasi oo ka kala socda Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Cadaado iyo Puntland oo hakad ay ku jirto Doorashadeed, maadaama cabasho ay qabaan.

Waxaa xusid mudan Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland inay soo gaba gabeeyeen Doorashada, Koonfur Galbeed waxaa lagu doortay Xildhibaano tiradooda ay gaareyso 69 Xildhibaan, halka Jubbaland lagu doortay 43 Xildhibaan.

Sidoo kale illaa hadda waxaa la doortay Aqalka Sare Xildhibaano gaaraya 43 xubnood oo lagu kala doortay Magaalooyinka, Jowhar, Cadaado, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe, waxaana dhiman 11 xubnood oo Aqalka Sare ah oo loo qoondeeyay dadka ka soo jeeda Deegaanada Somaliland.

Doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa maraya heer gabo gabo ah, balse waxaa jirta cabashadii ugu xooganeyd oo ku aadan Doorashada socota oo ay jeedinayaan Beelaha Somaliyed, maadaama Madaxtooyada Somaliya meelaha qaar faragelin toos ah ay ku haysay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: