WAAJIDPRESS – 8 DEC 2016:
Diyaarado dagaal shalay gelinkii dambe ay ku garaacen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo maamul ahaan ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Ururka Al Shabaab.
Diyaaradaha dagaalka ayaa la sheegayaa inay ku garaaceen Deegaan hoostagga Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe gantaalo gaaraya ilaa 7 gantaal, kuwaasi oo ilaa hada aanan la ogeyn Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Dadka Deegaanka Mansuura oo 14-KM u jira Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegay Shan gantaal inay ku soo dhaceen deegaankaasi oo geystay Khasaare kala duwan.
Sidoo kale labo gantaal ayaa la sheegay inay ku dhaceen duleedka deegaanka Mansuura, lama sheegin Khasaare ka dhashay labadaasi gantaal.
Xuseen Maxamed oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaahinta ku hadasha Afka Al Shabaab waxa ay u sheegeen in Duqeyntaasi ay ku dhacday deegaankooda, dadka shacab ahna ay waxyeelo ka soo gaartay.
Ilaa hada ma cadda rasmi ahaan deegaanka la duqeeyay cida ku sugneyd oo Bartilmaameedka uu ahaa, inkastoo Al Shabaab ay ku sugan yihiin deeganadaas.
Dhowr mar ayaa diyaaradaha dagaalka waxa ay duqeyn ku garaaceen deegaano hoostagga Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe oo Al Shabaab ay joogaan.
Wararka aan ka heleyno, Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku soo warramaya in Qarax xoogan Ciidamada AMISOM lagula eegtay duleedka deegaanka Buulomareer ee Gobolka Shbaeelaha Hoose.
Qaraxa ayaa waxaa sheegtay Mas’uuliyaddiisa Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab iyagoo sheegay in khasaaro ay ku gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegtay in Qaraxaasi ku dileen 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada AMISOM.
Dhinacooda ma jiro wax war ah oo Taliska AMISOM ay ka soo saareen Qaraxaasi kolanyadooda lagula eegtay Duleedka deegaanka Buulomareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
U dhaaf Halcelis