Maxay tahay sababta C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ugu baaqdeen shirka madasha ee Muqdisho ka furmay?

WAAJIDPRESS – 8 DEC 2016:

Shirka Madasha ee maanta furay waxaa ka baaqsaday madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ay ugu war danbeysay socdaal uu ku marayo dalal Afrikaan kadib safarkiisii Shiinaha.

Maqnaanshaha Madaxweyne Gaas ayaa lagu macneeyay ay tahay xeelad siyaasadeed, isagoo markii hore ay culeys ka heystay madaxweyne ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka oo hadda ku sugan Muqdisho. Waxaa muuqata in C/weli Gaas uu isaga dhex baxay cadaadiska beesha caalamka iyo madaxdii Puntland ee ku dheganeyd xubnaha Aqalka sare ee Somaliland, taasoo rajada ah in xubno ay ka helaan aad u yar tahay.

Maqnaanshaha Axmed Madoobe: Waxaa kaloo shirka ka baaqsaday inuu ka soo qeyb galo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo la sheegay inuu ka cudurdaartay shirka arrimo u gaara awgood. Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe aanu dooneyn ku lug yeelashada arrimaha la isku hayo.

Shirka Madasha ee xilligan ayaa ka duwan kuwii ka horeeyay, waxaana cadaadis weyn ka imaanayaa beesha caalamka oo dooneysa in doorashada la dedejiyo, isla markaana aanay imaan caqabado kale oo dib u sii dhigi kara.

Wadahadallo ay wakiilada Beesha Caalamka iyo wafdiga Putland ku lahaayeen Muqdisho saddexdii maalmood ee ugu danbeeyay ayaa la sheegay in madaxweyne ku xigeenka Puntland si cad loogu sheegay inaysan dhici karin wax ka bedel kale oo lagu sameeyo qoondada Aqalka sare ee Somaliland.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: