RW Cumar oo mar kale ka dhawaajiyey haddal si weyn uga careysiiyay MADAXWEYNE Xassan Sheekh

WAAJIDPRESS – 8 DECEMBER 2016:

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa mar kale ku celshay in Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh uusan u qalmin in loo doorto Madaxweynaha cusub ee Somalia.

Sharmaarke waxa uu sheegay in muddo 4 sanno kadib uusan Xasan Sheekh waxba soo kordhin doonin, waxa uuna tilmaamay inuu ku fashilmay xilka Qaranka uu u hayo.

Sharmaarke waxa uu carabdhabay in Dowladnimadu ay u baahan tahay Cadaalad, Maamul wanaag iyo Sinaanta Bulshada, hayeeshee Xasan Sheekh uu ka fogaaday dhammaan qodobadaasi, sida uu hadalka u dhigay.

”Waxa aan garan la’ahay waxa uu la danqanaayo waayo laba musharax ayeynu wada nahay waxa aan sheegay waa wax jira oo xaqiiq ah”.

Cumar C/rashiid waxa uu sheegay inuusan sheegin haddal uu ka caroodo Xassan Sheekh, waxa waxa uu tilmaamay in Dowlada wakhtigeeda uu dhacay ay ku fashilantay Jadwalka.

”Haddii aan ka tirsanahay micnuhu maaha inaan amanayo ama aan xafidaayo ee waxa aan sheegayo waa wax jira adeer”

Haddalka Cumar C/rashiid ayaa imaanaya iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu aad uga carooday dhaliilo uu jeediyay Cumar C/rashiid.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: