Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka KOONFUR GALBEED oo Gaadiid Dagaal geeyay Degaanka Goofgaduud

WAAJIDPRESS – 9 DEC 2016:

Baydhabo – Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay hub iyo Gaadiid Dagaal oo maanta la gaarsiiyay Ciidamada ku sugan Degaanka Goofgaduud ee Duleedka Magaalada Baydhabo.

Hubkan iyo Gaadiidka ayaa Ciidamada waxaa gaarsiiyay Wasiirka Amniga ee Maamulka Koonfur Galbeed, C/fitaax Geeseey iyo Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta maleeshiyaadka, Xasan Maxamed Xuseen (Xasan Eelaay).

Isagoo la hadlayay Idaacadda Shabelle, C/laahi Sheekh Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Maamulkaasi ayaa waxuu shaaca ka qaaday in Gaadiidka Dagaal loogu talagalay in ay kula Dagaalamaan Al Shabaab.

Degaanka Goofgaduud oo qiyaas ahaan 30Km u jira Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Shalay waxaa ka dhacay Dagaal Culus, iyadoona Dagaalka uu sababay in qeyb ka mid ah Degaanka ay hantaan Al Shabaab.

Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa tiro dhowr jeer ah waxey weeraro gaadmo ah ku soo qaadeen fariisimaha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin Degaanka Goofgaduud ee Duleedka Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: