Xassan Sheekh OO ETHOIPIA maanta safar ku aadey

WAAJIDPRESS – 9 DECEMBER 2016:

Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Dowladda iyo xubno kale.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gali doona shirka Madaxda IGAD oo ka dhici doona Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb gali doona Dowladaha ku mideysan Urur Goboleedka IGAD Madaxdooda, waxaana looga hadlayaa arrimo la xiriira Dalalka ku mideysan ururkan.

13-kii Bishii September ee sanadkan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay Shirkii 28-aad oo ay yeeshaan Madaxda urur Goboleedka IGAD, waxaana shirkaasi uu ahaa kii u horeeyay oo lagu qabto Magaalada Muqdisho, tan iyo markii la aas aasay Ururka IGAD sanadkii 1976.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: