AKHRISO: Qabiilada iyo MAGACYADA XILDHIBAANADA GOBOLADA WAQOOYI EE MAANTA LAGU DOORTAY MUQDISHO

WAAJIDPRESS – 10 DEC 2016:

Qeybtii labaad ee doorashada Xubnaha gobolada woqooyi ku metelaya aqalka hoose ee baarlamanka Somalia ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Waxaa loo tartamay doorashada illaa shan kursi oo ka mid ah xubnaha aqalka hoose waxaana ku soo baxay illaa shan xildhibaan oo isugu jira rag iyo dumar.

Kursiga Beesha Habar Jeclo/Muuse Abokor ayaa waxaa ku guuleystay Aamina Cumar Jaamac oo 51 cod kaga guuleysatay halka Faa’iza Axmed Cali oo la tartameysay aysan helin wax cod ah.

Kursiga Beesha Gadabursi/Samaroon Jilibka makaahiil ayaa waxaa ku guuleysatay Feysal Cumar Guuleed oo 29 cod helay, isagoo ka guuleystay C/xakiin Cige Guuleed oo kursigan difaacanayay.

Mid ka mid ah kuraasta beesha Gadabursi, Samaroon ayaa waxaa isna ku guuleystay Cilmi Maxamuud Nuur oo helay 45 cod, waxaana uu ka guuleystay Fanaanka caanka ah Farxaan Xidig oo 6 cod kaliya helay.

Saalax Jaamac Ahmed oo u tartamayey kursiga beesha habar Yoonis/Muuse Ismaaciil ayaa isna ku soo baxay kursiga beeshiisa, isagoo helay 50 cod.

Kursiga beesha Habar-jeclo/Muuse Abokor/Reer Yoonis ayaa waxaa ku guuleystay WASIIRKA WARFAAFINTA EE DOWLADA FEDERAALKA Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Advertisements

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Beddel )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Beddel )

Connecting to %s


%d bloggers like this: